3 mins read

Murti Jaceeyl ama Philosophy.

Araar:
waan ogahay in ula jeedada iyo Macnaha Axaadiithta, Falsafadaha, Murtida ama Luuqadu ey ku arkaa karto Dadka qaar. ka raali noqo Haddii ey kugu adkaato.

  1. Yaxya Amir, ahaan kuma khasbani in aan ku qanciyo, Macallinka waajibkiisu waa in uu Casharka siiyo Ardayda oo dhan, laakin Masuul kama ahan in ey si isku mid ah u wada fahamaan. waan ogahay Akhristayaasha Qoraaladeeydu in ey ku kala duwan yihiin, Da’da, Aqoonta, Garaadka. Murti hore ayaa aheeyd (I am responsible of what I say, not what you understand ).(f.S: 1)
    ( Hadaba Anigu waxaan Masuul ka ahay wixii aan sheegay, ama Boggeyga FB aan ku qoray, Laakin Masuul kama ihi sidaa aad u fahamtay wixii aan sheegay)
  2. John F. Kenadii Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa yiri: Iska cafi Cadawgaaga, laakin weligaa ha hilmaamin Magacyadooda. ( F.S: 2aad)
    ( Shacabka Somalidu waa iska cafi karaa Siyaasiyiintii Dambiga Dalkaan ka galay, laakin Magacyadooda iyo Taariilhdooda ma hilmaamayaan, mana ogolaanayaan in Taariikhdooda looga been sheego).
  3. Laakin , Marcus Aurelius ayaa leh: Sida ugu wanaagsan ee aad Cadawgaaga uga aargoosa kartid waa in aadan sameyn wixii uu sameeyay Cadawgaagu. ( F.S: 3aad)
    ( Wixii Cadawgaagu kugu sameeyay haku sameeyn, Iska cafina waa noqon kartaa)
  4. Murti Hindiya ahaa leh. Haddii aadan u dagaalin waxa aad Rabto, Ha u Ooynin wixii aad weysay.( F.S: 4aad)
    ( Dad badan oo Somali ah ayaan u dagaaleeyn Xuriyadda iyo Sharafka ka maqan, Kadibna u Ooyayo marka ey waayaan Sharafkii ,Xuriyaddii iyo Dadnimadii).
  5. Shiineeskii Alifay Kitaabka ugu yar Aduunka, ee Dad malayiin ah ey ku dhaqmaan. Confucious ayaa yiri: Haddii aad wax barato oo aadan fikirin waa khasaaro. Haddii aad Fikirto Adiga oo aan wax baran waa khatar.( F.S: 5aad)
    ( Somaliya ameey noo fikireen kuwo aan wax baran oo sidaas aan ugu jirnaa khatartaan Joogtada ah)
  6. Paul Dirac, ayaa yiri: Aqoontaada ayaa aad iyo Aad uga Muhimsan Shahaadadaada. ( F.S: 6aad)
    ( Maxeey Badan yihiin Aqoon yahano wato PhD, oo Marwo Batuulo Bare, ey Bulshada uga wax tar roontahay)
  7. Malcom x, ayaa yiri: Musiibada Jaahilnimadu leedahay, waa in Jaahilku uu Jaahil ka yahay Jahilnimadiisa. ( F.S: 7aad)
    ( Ar Anigu kuwaa amaan ku jiraa, wixii aan Jaahil ka ahay iga Jaahil Bixiya).
  8. Filasoofkii Caanka ahaa ee Giriiga Socrates ayaa yiri: Muhim ma ahan in Dadku ey aqblaan Hadalkeeyga, ee waxaa muhim ah in Anigu Hadalkeeyga aan ka run sheego.( F.S: 😎
    ( Aniga Qoraalkeeygu waa ila saxan yahay, waxa eyna ila tahay in aan ka run sheegay, Laakin Gaalkaa Greek ah waxaa uga duwanahay, Aniga waxaa ii muhim ah in aan is fahamno Aniga iyo Akhristayaasha oo aan is fahamno).
  9. Wayne W. Dyre ayaa yiri: Hadafkeeygu ma ahan in aan Cid kale ka wanaagsanaado, ee waa in Anigu aan ka wanaagsanaado sidii aan hore u ahaa jiray. ( F.S: 9aad)
    ( Ogow Qoraaladeeyda cidna tartan kulama jiro, Xattaa Siyaasi Muxaafad iyo Mucaarad , Qurba joog, Qaran joog, Ganacsade, Aqoon yahay, iyo kuwa kale, ee waxaan rabaa oo kaliya in aan Anigu garaadkeeyga Kobciyo, Cidii qoraaladeeyda Fahmi kartana in aan Aragtiyadeena ku wadaagno Boggaan).
  10. Sida uu ku qoran Xadiithka uu soo wariyay Muslim. Cumar Bin Caas ayaa yiri: Rauulkeena Muxamed CSW ayaa yiri: Soonkeena iyo Soonka Ummadaha kale ee Ahlul Kitaabka ah waxa ey ku kala duwan yihiin, waa Saxuurta, ( F.S: 10aad)
    Saxuurtu waa muhim, ee yeeyna ku dhaafin Caawaba. Ogowna Saxuurta oo Habeenkii dib loo dhigo waa arrin wanaagsan, Soonkaaga Alla hakuu aqbalo, Aamiin )
    Qore: Yahya Amir