| | 639 views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday deegaan dalxiiska Soomaaliya ku wanaagsan

Ra’iisul wasaar Xasan Cali Kheyre oo ku labisan dareeska ciidamada xoogga dalka Somalia oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa booqday deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 15KM u jirta magaalada Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kormeer indha indheyn ah ku tegay deegaanka Goobweyn isagoona sheegay in deegaankaani uu yahay meel dalxiiska ku wanaagsan

“Goobwayn waxay ahayd in dunidu usoo dalxiis tagto, inay ahaato muuqaalka iyo sharafta Soomaaliyeed, ma ahayn in dadkeennu ku gaajoodaan.” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo garab taagan yahay Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Dowlada Federaalka ah ku dhiiri geliyay in la maalgaliyo goobaha qurxoon oo ay kamid tahay deegaanka Goobweyn oo ay maanta booqdeen.

“Goobweyn waa meel qurux badan oo maalgashiga ku wanaagsan waxaan Bulshada u sheegaynaa in ay Dalxiis halkan u yimaadaan oo ay dalkooda maalgashadaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.



Taaj Expess