| | 263 views

C/wali Gaas oo beeniyey warar laga faafiyey intii uu socday shirkii Golaha amniga Qaranka

Madaxweyne Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada shirkii golaha amniga Qaranka ee lagu soo gebebeeyey Muqdisho iyo qodobadii ka soo baxay.

Wuxuu sheegay in lagu falanqeeyey barnaamij horey loogu heshiiyey oo ahaa dib u dhiska ciidamada dalka, isku dhafka ciidamada, xoraynta dalka iyo midaynta difaaca dalka.

Wuxuu xusay in si looga gungaaro qodobadii ka soo baxay shirka in marka loo baahan yahay inay wadda shaqayn yeeshaan xukuumadda dhexe iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

“Arrintan waxay u baahan tahay wadda shaqayn dhanka Xukuumadda dhexe iyo dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka inay kawada shaqeeyaan oo ay isku mawqif ka ahaadaan arrimahaa iyaga ah, runtii shirkaasina wuxuu ku soo dhamaaday guul, waxaanuna ku soo kala tagnay in dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah ay si dhaw u wadda shaqeeyaan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gaas ayaa beeniyey warar ay qoreen warbaahinta qaarkood intii uu socday shirkii golaha amniga Qaranka kuwaasoo sheegayey inuu soo jeediyey in ciidamada loo dhisayo Somalia lagu saleeyo nidaamka beelaha ee 4.5, wuxuuna xusay in wararkaasi ay yihiin kuwo aaney waxba ka jirin, uusana marnaba arintaas soo jeedinin.

Wuxuu tilmaamay in dalku u baahan yahay ciidan xoogan oo sumad Soomaaliyeed leh, dalkoo dhana laga keeno, isla markaana laga dhigo ciidan ka midaysan qadiyad Soomaalinimo iyo mid muwaadinimo oo ka maran beelo iyo qoysas gaar ah.

Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale bogaadiyey horumarka dawladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Gaas ku talaabsatay lixdii bilood ee ay jirtay , wuxuuna tusaale wanaagsan u soo qaatay shirka golaha Wasiiradda ee maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Gaas ayaa hadalkan ka jeediyey magaalada Garoowe oo shalay gelinkii danbe uu dib ugu laabtay ka dib markii uu ka qaybgalay shirkii amniga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyey.



Archives

Taaj Expess