| | 358 views

Nabadoon Axmed Diiriye “ Dowladdu Dib u dajin ha u sameyso shacabka Degan Xarumaha Danta Guud”.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in loo baahan yahay haddii Dadka Danta yar ee degan Xarumaha dowladda laga rarayo loo baahan yahay in loola dhaqmo si ay ku jirto Xasilooni iyo Wanaag islamarkaana aan loo baahneen in si qasab ah lagu barakiciyo maadaama ay yihiin dad u badan Danyar.

Axmed Diiriye ayaa hoosta ka xariiqay in aysan Suura gal ahayn in Dadkaas laga raro xarumahaasi iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya aysan u sameynin dib u dajin.

“ Dowladdu ma waddo dhibaato , waan ognahay laakiin waxaan ku xoojineynaa in dadka danyarta ah loo dhimriyo ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye.

Sidoo kale Axmed Diiriye Cali ayaa soo hadal qaaday in ay jiraan dhulal horay looga barakiciyay dadkii shacabka ahaa ee degenaa oo illaa iyo haatan aanu dowladdu ku shaqeynin, taasi oo ay haboonaan lahayd in dadka shacabka ah loo dhaafo sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa beryihii dambe wadday dadaallo ay ku dooneyso in qaar ka mid ah xarumihii danta Guud ay Shacabka uga rari lahayd.



Archives

Taaj Expess