| | 836 views

Jabuuti ma dal baa mise Shirkad? (Wax badan ka ogow)

Maamulaha Shabakadda Dalsoor Jamaal Osman isla markaana ka mid ah weriyeyaasha Telefishanka xaruntiisu tahay magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa soo saaray warbixin muuqaal ah oo uu uga hadlayo taariikhda wadanka Jabuuti.

Sidoo kale warbixinta ayuu uga hadlayaa qoyska xukunka Dowladda Jabuuti haya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xaaskiisa iyo xubno ka tirsan qoyskiisa, kuwaasi oo warbixintu tilmaameyso doorka ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda, ganacsiga iyo talada dalka.

Hay’adaha muhiimka ah ee Dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay inay maamulaan dhammaanba qoyska iyo qaraabada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo talada haya muddo muddo ka badan 17-saco.

Dhinaca kale warbixinta ayaa tilmaameysa ninka la filayo inuu xukunka kala wareegayo Ismaaciil Cumar Geelle kaddib markii uu dhameysto mudada uu xilka hoggaaminayo, hase yeeshee arrimaha layaabka leh ee aadan ogeyn waxaa ka mid ah in mid ka mid gabdhaha uu dhalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay dhaxdo nin ka soo jeeda mid ka mid ah dalalka Afrika.



Taaj Expess