| | 458 views

Puntland oo ka digtay dhaqangelinta sharciga Isgaarsiinta Soomaaliya

Wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland ayaa ka digtay in la dhaqangaliyo xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya, kaasi oo bishii hore ay ansixiyeen gollaha wasiiradda ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Khayre.

Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayuu ku eedeeyay Wasiirka Isgaarsiinta federaalka inuu baalmaray wixii lagu heshiiyay shirkii bishii may ka dhacay muqdisho, islamarkaana uu xagal-daacinayo shir ka dhici lahaa magaaladda Kismaayo oo laga hadli lahaa xeerka isgaarsiinta Soomaaliya.

” ka qaybgalkayaga iyo qaybqaadatashadayada la waayo waxay meelkadhac ku tahay xeerkaasi, wasaaradu waxay isku dayaysaa inay xagaldaaciso shirka kismaayo oo maamul goboleedyadu rayigooda geeyaan” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“sharcigaasi ma ah mid lagu heshiiyay, waa sharci xaaraan ah, qaybna kama nihin,Puntlandna qayb kama ahaan doonto, waxaanuna taageersanahay shirka kismaayo” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay gollaha Wakiiladda dowladda federaalka inaysan ansixin xeerkaasi inta laga heshiinayo, waxaa kaloo uu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ee maalgalinaya xeerka isgaarsiinta federaalka inay ka fiirsadaan taageeradooda.



Archives

Taaj Expess