| | 600 views

FIFA oo ciyaaraha ka joojisay kooxo caan ah?

Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa Suudaan ka mamnuucday ciyaaraha, sababtuna waxay tahay faragalinta ay dawladdu ku hayso ciyaaraha.

Bishii hore ayaa digniin loo soo jeediyay ka dib markii ay dawladdu madaxweyne cusub u magacawday xidhiidhka kubadda cagta ee Suudaan.

Naadiyada Al Hilal iyo Al Merreikh ayaa laga hor istaagay in ay ka qaybqaataan ciyaaraha koobka horyaallada Afrika halka kooxda Al Hilal laga joojiyay tartanka Confederation Cup.

Taasi waxay ka dhigan tahay in ay baaqanayaan labo ciyaarood oo ay maanta oo Jimce ah yeelan lahaayeen Hilal iyo Merreikh.

Al Merreikh ayaa la ciyaari lahayd naadiga Etoile du Sahel ee ka dhisan dalka Tunisia, halka Al Hilal ay marti galin lahayd Ferroviario Beira oo ka socota dalka Mozambique.

Xigasho : BBC SOMALI



Taaj Expess