| | 147 views

Sheeka Xariir!: Gaso, ganuun, Gasiin Q. 48aad, Prof. Cali Jimcaale Axmed, XLVIII

Sheeko, sheeko!
Sheeka Xariir!

Toxob oo weli aamiinsigi ku jira ayay Hooyadi tiri, “Bal aan si fiican iskaga hubino in aan ruunkaan si dhab ah uga guurno.”

Jabaq ayaa yiri, “Hooyo, xaan wadanaa oo xoolaa oon meeshaan kaga tageynaa?”

Waxay tiri, “Maandhoow, waxaan meeshaan la nimid xandho iyo xoolo intii ugu fiicnayd. Waxaan la nimid himmo iyo in aan u soo jahaysannay in aan noolaanno. Ruunkoon si dhab ah uga guurno waxay noo sahlaysaa in aan xirmo fiida aan la tagno goobta xigta.”

Waxyar kadibna waxay ciddu u sii socotay geed Kaxarki ay kula ballansanaayeen Cagoole. Iyaga oo aad u qabto ciidan hammuun qaba ayay hal saf oo dheer isla soo galeen. Hooyadii reerka ayaa xambaarsaneed muluqi cidda oo dhan ugu yaraa. Geberti ayaa daandihinaysay kii muluqa waxoogaaga ka roonaa. Jabaq iyo aabihiis ayaa dadaaminaayay wixi xoolaa oo ay ciddu lahayd oo lagu soo guray qandi aad u qabtay in uu u egyahay kolay. Waxyar kadibna waxaa u soo muuqday geed Gaxarki. Jabaq ayaa yiri, “Waxaan u jeedaa baabuur cad oo geedka la siman.”

“Goorba Cagoole ayaa wata baabuurka,” ayuu yiri odaygi reerka.

Inti uu midkoodba hadal ayay arkeen ruux u gacan haatinaaya. Toxob ayaa yiri, “Waa kaas ninki aan idiinkaga sheekeeyey. Haddoo waa Cagoole oon aqaan.”

Toxob ayaa ciddi iyo Cagoole isbaray. Muggi la isa salaamay kadib ayuu Cagoole yiri, “Waxaan isiri amay qummantahay in dhul dhaweeye cidda lagu soo dhaweeyo. Ilmo muluqshaa ayaa idin la socda marka waxaan isiri waxaa haboon in baabuur la fuulo inti la lugeylahaa. Teeda kale, saakay ayaan adeer Toob u sheegay in aad barqadaan ku soo aaddantihiin. Waana na sugowhaayaa.”

Baabuurki ayaa la galay.  Toxob iyo ciddi intoodi kale ayaa ka yaabay haaneedka uu adeer Cagoole u quminaayey dhul dhaweeyihi. Waxyar ka dibna waxay fataq ku soo yiriheen jid quruuruxa. Waxaa jidka hareertiisa midig taagnaa dad boorar iyo calamo watey. Cagoole ayaa u sheegay reerki baabuurka u saarnaa in dadka boorarka watey ay ahaayeen kuwo u dabbaaldegaayey urur siyaasadeed cusub oo sida calamada ay siteen ka muuqatay uu astaantiisu ama summaddiisu ahayd Xaaqin. Cagoole ayaa yiri, “Ku soo dhowaada qabqabta iyo dhoollatuska biladkaan lagu haayo. Waxay wataan xaaqin, haddana qaarkooda iyo deyrka guryahooda iyo goobaha ganacsigooda ayaan qashinqub wax dhaamin. Caku, cid  hadalkooda iyo ficilkooda iswaafaqsanayn.”

Reer Jabaq ayaa isfiirshay. Toxob ayaa yiri, “Xey tahay eebow, wasaqda aad ka sheegeyso beledka? Inti aan ilaa iyo hadda ka aragnay weli waa noo dhimantahay in aan aragno meel wasaqi harqisay.”

Cagoole ayaa yiri, “Ma idinkaaba weli wax arkay. Muggi aad muddo joogtaan mahaan ayaan mardambe iska waraysandoonaa, iding Eebe.”

Toxob oon weli jawaabin ayaa baabuurki meel gawaan u eg soo ag istaagay. Cagoole ayaa yiri, “waa nimid.”

Marki ay gaarigi ka soo bexeen ayay arkeen adeer Toob oo meesha taagan. Waa la isu haanyooday oo la is-habsiiyey . Adeer Toob ayaa yiri, “Soo dhowaada qaraabo Allaay. Illaah waydin samo keenay.”

Cagoole iyo Toxob ayaa baabuurki ka soo dejiyey alaabti ciddu wadatey.

Meesha Adeer Toob deganyahay waa kaawo dhagaxi laga dhamaystay, oo aanan helin asturki ay u baahneed ama mudnayd. Waa dad iyo damacood. Waa diirato aan diirnaxin, diirato aan garan in ay daboosho ama dib u-kobciso geedkey feenaty. La isma weydiin yaa kaa dambeeya. Lagama fekerin  dhaxal dhaafo inta aadan dogob noqon. Sahay aad ku fakato ama aad ku badbaaddo meel dhigo inta aadan dambas la dersin. Jiscinlaawe, dhibkaa ma yara! Waxay kaawadu astaan u ahayd oo kale kala fiigi galay deriski naf-wadaagga ahaan jiray. Haddana deriskii hore waa kii shuuro aan iidaan lahayn wadaagijiray. Dhamcaso, falfaliir iyo xamur kala qaadanjiray. Sida xareed waa kuwi uusmiir wada dhamijiray. Waxaase beddelay kuwii hore kuwa filayo dheeroo dhaartu eeyan dhibin, sinbiriiraxashadooduna badantahay. Kala dhanuuxroon jiil dambe iyo awgi yiri, “Durriyadaada deb looma aasee/ kuwa dambaan u dariiq faleynaa.” Waxa taas ka dhigan hooriski ina Shige Xirsi uu ku so af jaray gabaygi “dh”-da qaafiyaddiisu ahayd: “Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.”  Waxaa usna sidoo kale laga maqlay Bulxankii firixda ama wirixda dadka ka dhameeyay, “Maashaan la saarin waa dambay saro kacaantaaye.” Hore ayaan u soo aragnay murtidi Maymuuna Biyow Yerow ku caraadisay dhoohanayaashi iyo is-madhaantadii Saciid Maxaad Raage iyo tuulooyinki kale oo ay bahwadaagta ahaayeen.

Bal ufiirso hannaanka tixda loo tidcay, iyo meesha ay abaareyso. Aftahannada ayaa ahaa kuwo meel fog wax ka arka, amaba indheer-garad uurkubbaallaa. Waxay ahaayeen kuwo aan ahayn maalin-la-noolayaal waxay haaban karaan haabta.  Hummaagga sarbeebtu ha kala duwanaadeen, laakin biyodhaca hadalku waa mid; ood qaadid iyo jiidid waa isla gurigayn. Dadkii hore waxaa ka dhexeeyay hal arrin: Hawl aan ku hurayn horaa loo qabtaa.  Maya, uma danlihi in aan soo minguuriyo oraah soo noqnoqashadeedu badatay: dad waa kii hore, hadalna waa intow yiri. Taa ma qabo. Dad waa kii u sarakaca wax ka qabashada duruufaha la soo derso. Maalin walba iyo sha’nigeed. Haddaadan doogan hibitiqdi shalay, asaadan dhafoor dhabnayn, maantaba waa meesheeda.  Gummud ay toxobti ka dhamaatay in la dadaamiyaa waa doqonnimo. Inaad ku dooddo abkeeyaa xoolo lahaa, waxaa dhaanta adigoo dameer dhukan goobta la yimaada.   Cood iyo caano beela, fac dambow facaa ka har! OO faje idin gall! OO barriiqda barasna idin dil!

Qorihi ayaa yiri, “Sheekoolow, intaad noo waddaa. Maxayse tahay inkaarta aad maluuqayso? Intaadse ku aragtay wax inkaar u dhintay? Inkaarqabe, sheekada dib noogu celi.”

Kii sheekada sheegaayay ayaa hoos uyiri: Nacam, waa runtaa, inkaartu ma fiicna. Maya, ma aha inuu habaarku nafleyda dilo, ee waxay minan wadaagyihiin ama qarka u saarantahay quusasho. Quus. In aad quusataa waa laga fiicanyahay. Waa tahay. Runtaa waaye, waxaa habboon in aan dib ugu noqdo sheekadi. Uma dan lihi in aan ku wareeriyo, jiidjiidkana waa laga fiicanyahay. Sheekadi waa tan.

Jabaq iyo reekiisi ayaa degay kaawada salkeeda hore, si aay kaga badbaadan urka inta badan ka soo butaaca dhinaca shishe ee kaawada. Waxaa meeshaa hooy ka dhigtay halaq ay ka mid yihiin good, mas ama dhejy, iwm.  Anigu ma arag, laakin waxaan ciyaal Faay Cali ka maqlay in dabacaddeeye kollay ku tahay ay kaawadu hooy u ahayd. Dabcan, sidoo kale: kudkude, warriiq, aboota’idabbadis ama ayeeyalugdheer, jilac iyo wariiri, bulac ama mulac, maso’lugooley ama mansa’cagalley, iwd. Wixii xunba Kaawa laga dhameystaa leh! Waa la mudursaday. Murdiso. Murdin. Mudursataan nacay!

Faryarey

fardhexaad

Faadumo

Mudursato

Suul gembar

Cagta cad

calaacasha

gulu, gulu, gulu

Aabahey waxuu i yiri, “Ceelka xaraar maahee,

Ceelka macaan!”

Gulu, gulu, gulu

Toqtoqlo.

La soco Q.49aad 
   
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

 



Archives

Taaj Expess