1 min read

Tahriibayaal Afrikaan oo ku geeriyooday doon ku degtay xeebaha Tuunisiya.

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Tunisia ayaa sheegay in 27 qof oo tahriibayaal ah hadda la og yahay inay dhinteen kaddib markii dhowr doon oo ay saarnaayeen ay ku degeen xeebaha dalkaas.

Sabtidii afar doonyood oo ay saarnaayeen boqol iyo labaatan tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaas oo doonayay inay gaaraan Talyaaniga, ayaa ku degtay meel u dhow dekedda Sfax.

12 mayd ah ayay habeen hore ilaalada xeebuhu heleen iyo shan kale subaxnimadii Axadda iyaga oo la soo badbaadiyay 98 qof.

Habeenimadii Sabtida doon ay saarnaayeen 60 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku degtay xeebaha waqooyiga Lubnaan.

Meydadka 6 ka mid aj ayaa la helay oo ay ku jirto gabar yar, iyada oo shilkaasi ka badbaaden 48 oo doonta degtay saarnaa.