| | 435 views

Gobolka Hiiraan oo laga isticmaalayo lacagta Dollarka iyo dhaqdhaqaaq laga dareemayo ganacsiga + Video

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta goobaha ganacsiga dib loo furay, iyadoo gebi ahaanba la mamnuucay isticmaalka shilinka Soomaaliga lagana door biday in wax lagu iibsado lacagta Dollarka Mareykanka ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Baladweyne ayaa ka warbixiyay dhibaatada ay ku qabaan shilinka Soomaaliga iyagoona sheegay in guud ahaan gobolka Hiiraan lacago shilin Soomaaliga ah oo ay ku iibsadeen xoolahooda la diiday isla markaana qasaaro xoogan ay soo gaartay ganacsatada.

Ganacsatada ayaa sheegay inay isticmaalayaan Dollarka ilaa iyo inta ay dowladda Federaalka Soomaaliya wax ka qabaneyso dhibaatada ka taagan lacago Shilin Soomaali ah oo lagu soo daabacay degaanada Puntland.

Dhinaca kale maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ugu baaqay Dowladda dhexe inay wax ka qabato dhibaatada ka taagan lacagta Soomaaliga ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in iminka laga diiday isticmaalkeeda gobolada dhexe ee dalka.



Taaj Expess