| | 229 views

Maxaabiis ku geeriyootay xabsiga dhexe ee Xamar

cudurka shuban biyoodka ayaa ka dillaacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaasi oo sababay dhimashada laba ka mid ah maxaabiista isla markaana haatan ay la il daran yihiin maxaabiis kale oo tiradoodu sii kordheyso.

Sagaal maxbuus oo kale ayaa la il daran, iyadoo la dhigay goob caafimaad oo laga hirgeliyay gudaha xabsiga.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa xaqiijiyay in maxaabiistan uu ku dhacay cudurka shubanka, waxaana uu tilmaamay inuu socdo howlo lagula tacaalayo.

Waxaa uu sheegay in intii uu socday gurmadkii iyo daaweyntii loo fidinayay ay labo ka mid ah u dhinteen, isagoo xusay in tooda ay dhamaatay.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay ku jiraan boqolaal maxaabiis ayaa sanad ka hor waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo ay dhowr maxbuus u geeriyoodeen.



Taaj Expess