| | 381 views

Shaqaalaha QM ee Muqdisho oo looga digay inay ka cunteeyaan maqaayad ay Soomaali leedahay

Guddi ka tirsan xafiiska QM ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho marka magaciisa la soo gaabiyana loo yaqaano SMT ayaa uga digay shaqaalaha ajnabiga ah inay ka cunteeyaan maqaayad ay Soomaali leedahay.

Maqaayadaan oo ku taala garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu magacaabaa The Village Restaurant, waana maqaayadda kaliya ee ay Soomaali leedahay taasi oo looga digay shaqaalaha xafiiska QM ee Muqdisho iyo shisheeyaha ku sugan halkaasi inay ka dhowaadaan maqaayadaasi.

Qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska QM ayaa sheegay in lagu wargeliyay digniintaasi ku saabsan inaysan tegin maqaayadda The Village sababo lagu sheegay khatar dhinaca amniga ah.

Dhinaca kale ilaa iyo iminka lama oga sababta rasmiga ah ee maqaayadaasi shaqada looga joojiyay iyo inuu jiro dagaal dhinaca ganacsiga ah oo ka dhex qarxay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2980

Posted by on May 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj