| | 341 views

Roobab Xooggan xalay ka Da’ay Muqdisho oo dhibaato isugu jirta dhimasho iyo khasaare gatstay.

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka ay biyo ka buuxaan.


Roobkii xalay ka d’ay ayaa biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Khasaaraha ay Roobabkan geysteen ayaa isugu jira khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed, maadaama ay ahaayeen kuwo xoogan, oo muddo saacado ah Da’ayay.

3-Qof ayaa Degmooyinka Warta-nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ugu geeryootay Roobabkii xalay ka Da’ay Magaalada Muqdisho, sidoo kale Degmada Kaaraan ayuu roobku khasaare u gaystay Qoyasas fara badan , iyadoo wadooyinka xaafadaha iyo Laamiga ee Degmadaasi uu ka muuqdo bur bur lixaad leh.

Dhanka kale Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada ku nool deegaanadaasi .

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2956

Posted by on May 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj