| | 683 views

Rag walaalo ah oo ay kadhaxeyso hal xaaas.

Markale aan idinla wadaago waxyaabaha cajiibka ah ee kadhaca dunidan aan kunoolnahay si dadkeygu waxbadan uga ogaadaan.

Rag walaalo ah oo ay kadhaxeyso hal xaaas.

Waxaa jira dad lagu magacaabo Bulshada Nepalese ee dagta buuraha Himalayas ee udhaxeysa ama kala qeybisa xadadka India, Nepal iyo China waana meel aad barafka ugu badanyahay.

Bulshada reer Nepalese waa bulsho yar oo beeraley ah kunadhaqan dhul ciriiri ah oo kuyaala hareeraha buuraha Himalayas oo ah dhul aanan sin’neyn guud ahaan waayadiisi horana ahaa geeeri go’an (meel aan si fudud lagu soo gaari karin).

Maadaama dhulka dadka dagan uu aad ugu yaraa waxa kaliya ee lagu noolaana ay ka imaan jireen tabcashada beeraha ayaa waxaa xilli hore soo food saartay dhibaato katimid sida ruux walbaa uu kuheli karo dhul isaga ugaar ah oo ay dagaan isaga iyo reerkiisaba isla markaana uu helo dhul uu wax ugu tabco reerkiisa. Si looga bad baado isku qabsiga dhaxalka dhulka marka uu waalidka meesha kabaxo kadib ayaa waxaa dhaqan soo jireen ah noqotay in lees deeqsiiyo dhulka yarkaa ee uu waalidku kageeriyooday waxaana meeshaa kadhalatay in wiilkasto oo reerka ah uusan heli karin dhul uu si gaar udago isaga iyo marwadiisa taaa badalkeed ayaa waxaa dhaqan noqotay in wiilka reerka ugu weyn marka uu guursado ay micnaheeda tahay in gabadhaas ay wada guursadeen hadba inta wiil ee reerku leeyahay si nin walbaa uu uhelo nolol dhanka xaaaska ah isagoo aanan ubaahan in uu dhulkale iyo xaaskale toona kurafaadin, marka gabadha laguursanayo ayaa waxaa goobjoog kawada noqda inta rag ah ee walaalaha ah ee xaaska kadhaxeyn doonta si loo wada baro.

Marka ay xaflada guurka dhamaato ayaa waxaa isku soo hara saamileyda (shareholders) (rag’ga ay gabadha kadhaxeyso) waxaana ay dhamaan wiilasha si wada ogol ah u aqbalaaan qaabka habeen qeybsiga oo lakala qorto jadwalna loo sameysto si nin walba habeenka ay kusoo aaadeysa in uu xaaska isaga gooni ula seexdo uu uqorto iyadoo gabadha marqaati katahay sida wax loo qeybsaday waxaana gabadha looga baahanyahay in ay ninkastaaa habeenkiisa si goooni ah ula tacaamusho uuna kahelo soo jiidasho dhameystiran si meesha looga saaro maseer iyo istuhun ah hebel ayey ujanjeertaaa iyada ama aaanan loo dhihin hebeenka hebel qosol iyo sheeko gooni ah ayaa dhacda oo inta kale aysan heysan iyadoo ilmaha ay gabadha dhashaaa loo wada simanyahay oo dhamaan aaabo loo wada yahay waana shaqada xaaska in ay ilmaha yari ku albaabisaaa in dhamaan aaabo uwada yihiin oo adeeernimo meesha kabaxday Kadibna ilmahaaa leesla wada korsado iyadoo loo wadasimanyahay.

Wiilashan walaalaha ahi ayaa waxey si isku mid ah ufashaaan beerta yartaaa ee reerka kadhaxeysa sidoo kalana waxey si wada jir ah uqabtaaan iyaga halka xaaas ee kadhaxeysa howsha gurigoooda iyagoo isku wada faraxsan oo hal reer isku ah.

Mahadsanidiin dhamaan aqristayaasha sharafta leh. Jimca wanaagsan

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2901

Posted by on May 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj