| | 414 views

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay taalada SYL+Sawiro

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xuska 15-ka May awgeed maanta Ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee xornimadii Dalka u halgamay.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo waxaa Munaasabadda Ubax dhiga ku wehliyey xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, , mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2665

Posted by on May 15 2017. Filed under Sawirro, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj