| | 331 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Shirka Doha Forum + Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay shirka Doha Forum ee looga hadlayo arrimaha siyaasada, dhaqaalaha, xaaladaha gobolka iyo arrimo kale.

Khudbada Ra’iisul Wasaaraha oo aheyd luqada English-ka ayaa luqada Carabiga loogu turjumayay Madaxda kale ee shirka ka soo qeyb galayay.

Waxaa uu diirada ku saaray khudbadiisa xaaladaha amni ee ka jira Soomaaliya, dagaalka Shabaab, arrimaha bani’aadanimada iyo horumarka ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday in wax laga qabto xaaladaha abaareed ee ka jira dalka.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madax kale.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2634

Posted by on May 14 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj