| | 674 views

Ciidamada ilaalada Xamar oo heegan la geliyay (Daawo)

Ciidamada ilaalada degaanka Xamar ee Dowladda Hoose ayaa maanta heegan sare la geliyay, waxaana taliskooda ku booqday Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo u jeediyay khudbad uu runta ugu sheegay ciidamadaasi.

Guddoomiye Taabid ayaa u sheegay ciidamada ilaalada degaanka Xamar inay howshoodu tahay mid gaabis ah loona baahan yahay inay dardar geliyaan isagoona hoosta ka xariiqay in ciidamada ay heli doonaan dhammaan xuquuqaha ay leeyihiin.

Taliyaha ciidamada degaanka Xamar Jan. C/naasir Maxamuud Indha Qarshe oo khudbad u jeedinayay ciidamada ayaa sheegay inay ahaayeen kuwa laga baqo isla markaana ay ka shaqeeyaan meel kasta ee dakhli ka soo gala Dowladda Hoose.

C/llaahi Xaaji Cilmi Ereg Guddoomiye K/Xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa ku booriyay ciidamada inay ula dhaqmaan dadka sida macallimiinta, dhaqaatiirta iwm, isagoona sheegay inay u furan yihiin albaabada madaxda maamulka gobolka Banaadir.

“Maanta aniga waxaa iga go’an shaqsiyan inaan ka jawaabo xaqa ay igu leeyihiin inaan iska bixiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay in ciidamada ilaalada Xamar ee Dowladda Hoose ay leeyihiin dhaliilo loona baahan yahay inay iska meyraan.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2440

Posted by on May 12 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “Ciidamada ilaalada Xamar oo heegan la geliyay (Daawo)”

  1. … [Trackback]

    […] Read More Infos here: somaliweyn.org/2017/05/12/ciidamada-ilaalada-xamar-oo-heegan-la-geliyay-daawo/ […]

  2. … [Trackback]

    […] Find More Informations here: somaliweyn.org/2017/05/12/ciidamada-ilaalada-xamar-oo-heegan-la-geliyay-daawo/ […]

Comments are closed

taaj