| | 474 views

G/Banaadir waa Miskiin aan cidna ku mataleyn shirka London.

Muruq-weynayaasha Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Wadanka ayaa shaley iyo maanta u kala ambabaxey ka qeyb galka shirka Soomaalida loogu qabanyo Magaalada London, Lix Madaxweyne oo uu ku jiryo Madaxweynaha Federaalka ayaa shirkaasi ku kulmaya, wufuuda shirkaasi lagu casuumay ayaa mid kasta wuxuu matalayaa Maamul, deegaan iyo dad gaar ah oo ka tirsan Federaalka Soomaaliya.

Puntland waa loo joogaa, Galmudug waa loo tagey, K/Galbeed Madaxweynaheeda ayaa ku matalaya, Jubbaland hogaamiyaheeda ayaa shirkaasi ku sugan, Hirshabeelle Masuulka ugu sareeyo ayaa shirkaasi uga qeyb galaya, Dawladda Dhexe waxaa ku matalaya Madaxweyne Farmaajo, inkastoo madax aad u fara badan ay shirkaasi tageen ayaa nasiib daro waxaa shirkaasi laga reebay G/Banaadir oo ay ku nool yihiin Seddex Milyan oo shacab ah.

La yaab ayay dad badan ku noqotey in G/Banaadir loo diido ka qeyb galka shirkaasi, Shirarkii London ee horey loogu agaasimay Dawladihii Sheikh Shariif iyo tii Xasan Sheikh labadduba maamulka G/Banaadir kama maqneyn oo kaalintiisa ayuu ka cayaarayay, lama oga sababaha rasmiga ah ee haatan G/Banaadir shirkaan looga mamnuucay.

“Looma dhamo shirka London, Dalku waa Federaal, maamul walba madaxdiisa ayaa shirkaasi uga qeyb galaysa, waa ayaan daro in G/Banaadir oo kaliya aanu ka muuqan ka qeyb qaadashada shirkaasi” ayuu yiri caaqil Soomaaliyeed oo sheegey arimaha siyaasadda ee shirkaasi looga hadlayo inay ka mid tahay Maqaamka ay yeelanayso Magaalada Muqdisho.

Haddaba ma haboon tahay in G/Banaadir laga waayo ka qeybgalka shirkaasi? Fadlan nala wadaag Ra’yigaaga

WQ: C/laahi Xasan Shiikhaalow

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2313

Posted by on May 10 2017. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “G/Banaadir waa Miskiin aan cidna ku mataleyn shirka London.”

  1. … [Trackback]

    […] There you will find 94742 more Infos: somaliweyn.org/2017/05/10/gbanaadir-waa-miskiin-aan-cidna-ku-mataleyn-shirka-london/ […]

  2. … [Trackback]

    […] Read More: somaliweyn.org/2017/05/10/gbanaadir-waa-miskiin-aan-cidna-ku-mataleyn-shirka-london/ […]

Comments are closed

Archives

taaj