| | 427 views

Amarkii MD Farmaajo oo Degmada Afgooye ka hirgalay

Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa maanta laga dareemay isbedel xoogan oo dhinaca nabadgelyada ah kaddib booqashadii shalay uu ku tegay degmadaasi Afgooye, waxaana hirgalay ballanqaad uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay waxgaradka iyo odayaasha uu kulanka la qaatay.

Howlgal isku xiran oo maanta ciidamada Milateriga ka sameeyeen gudaha degmada Afgooye iyo wadada Muqdisho soo gasha, halkaasi oo laga qabtay ku dhowaad 30-askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen isbaarooyinka yaala wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

 Abaaduuliyaha ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay qaadayaan tallaabooyin afar ah oo uu wajahayo askarta isbaarada dhigata iyo taliyeyaashooda oo uu sheegay in xilka laga qaadayo.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2357

Posted by on May 10 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj