| | 658 views

Dowladda Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la saxiixatay Midowga Yurub + Video

Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay kulan dhex maray madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimo ku saabsan mashaariicda EU-da iyo sida loo maareynayo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo mashaariicda kala duwan ee uu bixiyo Midowga Yurub, waxaana arrintaasi ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in Midowga Yurub uu bixinayo lacag dhan 49-Milyan Dollar oo loogu talo galay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mashaariicda lagu horumarinayo Soomaaliya oo markii hore uu maamuli jiray Midowga Yurub, ayaa iminka dhinaca Dowladda u soo wareegay, iyadoona labada dhinac ay kala saxiixdeen Dokumentiyada waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Dhinaca kale waxaa heshiiska goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Jawaari, Saraakiil iyo madax ka tirsan Dowladda iyo Midowga Yurub.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2255

Posted by on May 9 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Dowladda Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la saxiixatay Midowga Yurub + Video”

  1. … [Trackback]

    […] Informations on that Topic: somaliweyn.org/2017/05/09/dowladda-soomaaliya-oo-heshiis-muhiim-ah-la-saxiixatay-midowga-yurub-video/ […]

Comments are closed

taaj