| | 625 views

Ururka Samafalka & Gargaarka ee Ubax foundation oo gargaar kala duwan Gaarsiiyay Dadka ay saameeyeen abaraha + Video + Sawirro

Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee Ubax foundation ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu ku jiray hawlo kala duwan oo la xiriira sidii Gargaar samafal loogu fidin lahaa qoysaska Sooomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha iyo sidii loogaga kaalmeyn lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin, sida raarshin iyo weliba bacaha laga gallo dhaxanta iyo Roobabka oo haatan si rasmi ah u bilaawday.

Ururka samafaalka iyo gargaarka ee Ubax fauondation ee Fadhigiisu yahay dalka Sweden gaar ahaan magaaladda labaad ee Gothenburg ayaa waxaa ku bahoobay Gabdho Soomaliyeed oo ka tirsan Jaaliyadda halkaasi kudhaqan kadib markii ay ka damqadeen Dhibaatooyinka iyo Macluusha walalahoodda Soomaaliteed ku haysta dalka gudahiisa, kuwaasi oo haatan la daalaa dhacaaya Gaajo iyo Macluul kadib markii ay ku dhufatay Abaartii ugu xumeyd ee oo baabi’isay Xoolo iyo waxsoosaarkii dalagga beeraha oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Masuuliyiinta ururkaasi oo ay ugu horeyso Marwo Khadra Xuseen Calasow iyo gabdho kale oo ay walaalo yihiin ayaa isku xilqaamay sidii ay umadda Soomaliyeed ugu fidin lahaayeen Gurmad deg deg ah waxayna ugu horeyn xoogga saareen Biyo dhaamin oo ay ka sameeyeen Goboladda dalka Qaarkood sida Gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyinkiisa, waxayna sidoo kale ku dhaqaaqeen sidii qoysaska Soomaaliyeed ee baahan loo gaarsiin lahaa Gargaar raashin nucyadiisa kala duwan ee halbowlaha u ah Nolosha dadka Soomaaliyeed, waxaana ay gargaar raashin ah gaarsiiyeen Guud ahaan Goboladda dalka iyadoo ay ka mid yihiin goboladda Soomaliyeed oo aanan loo eegin kan ayaa ii dhaw iyo kan ayaa iga fog ee si siman loo gaarsiiyay umadda ku dhaqan Goboladaasi wixii gargaar ah ee loo heli karay. Si loo badbaadsho nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.

Ururka Ubax ayaa waxaa uu saacadihii ugu dambeeyay oo weliba lagu jiro Xili roobaadka waxaa uu baco loogu tala galay in laga dugsado Dhaxanta iyo Roobabka xili .lagu jiro curashadda Guga Gaarsiiyay Qoysas Somaaliyeed oo gaaraya in ka badan 200 oo Qoys Bacco kuwaasi oo ku dhan Degmada Jowhar gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Kheyriya ee Garoonka deyaaraha ee degmadaasi kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyay markii la garsiiyay Bacahaasi.

Arintaasi ayaa waxaa fududeeyay maamulka dedgmadda Jowhar oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degnmadaasi Shiikh Cabdulaahi Buurfuule iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, kuwaasi oo ka mahad celiyay Gargaarka iskugu jiray Raashinka iyo Bacaha, waxayna Ufurka Samafalka iyo gargaarka ee Ubax Faudation uga mahadceliyeen gargaarka uu u fidiyay bulshada halkaasi ku dhaqan iyo diirka uu ka qaatay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ahy saameeynta weeyn ku yeelatay abaarta iyagoo ka mahad celiayay biyo dhaamintii iyo raashinkii iyo weliba bacayaashii ay gaarsiiyeen Gobolka shabeelaha dhexe iyo qaar ka mid ah degmooyinkiisa
Dhanka kale ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax faudation waxaa uu maalintii shalay ahayd gaarsiiyay Gaargaar Raashin oo iskugu jiray Bariis Bur iyo Saliid Qoyas somaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka lagu magacaabo Warcadyo oo ka tirsan degmadda Balcad gaar ahaan tuuladda Geed Faqay, kuwaasi oo gaarayay in ka ban 60 Qoys oo ay saameesay abaarta iyo jiilalka dabadheeraaday.

Wakiilka Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee Ubax Faudation ee magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cumar Aduunyo ayaa qoysaskaasi ku wareejiyay Gargaarka Raashinkaasi waxaana ka gudoomay nabadoonka deeegaankaasi kaas oo lagu magacaabo Nabadoon Cali Axmed Cadde, isagoo ka mahad celiyay gargaarka la gaarsiiyay waxaana uu xusay in intii isku xilqaantay iyo intii soo dhiibtayba uu ilaah weeyn ajir iyo xasanaad ka siiyo, isagoo sidoo kale sheegay in umadda halkaasi ku dhaqan aysan waxba u tareyn gargaar hal mar la gaarsiiyay ee ay u baahan yhiin kaalmo joogta ah mar haddii ay dhaafeen duunyo iyo hanti wixii ay lahaayeen waxaa uu ku baaqay in la badbaadiyo dadka lalana soo gaaro gargaar Deg Deg ah.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=1713

Posted by on May 3 2017. Filed under lastest video, Sawirro, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

4 Comments for “Ururka Samafalka & Gargaarka ee Ubax foundation oo gargaar kala duwan Gaarsiiyay Dadka ay saameeyeen abaraha + Video + Sawirro”

  1. … [Trackback]

    […] There you will find 74267 more Infos: somaliweyn.org/2017/05/03/ururka-samafalka-gargaarka-ee-ubax-foundation-oo-gargaar-kala-duwan-gaarsiiyay-dadka-ay-saameeyeen-abaraha-video-sawirro/ […]

  2. … [Trackback]

    […] Find More Informations here: somaliweyn.org/2017/05/03/ururka-samafalka-gargaarka-ee-ubax-foundation-oo-gargaar-kala-duwan-gaarsiiyay-dadka-ay-saameeyeen-abaraha-video-sawirro/ […]

  3. … [Trackback]

    […] Read More here: somaliweyn.org/2017/05/03/ururka-samafalka-gargaarka-ee-ubax-foundation-oo-gargaar-kala-duwan-gaarsiiyay-dadka-ay-saameeyeen-abaraha-video-sawirro/ […]

  4. … [Trackback]

    […] Informations on that Topic: somaliweyn.org/2017/05/03/ururka-samafalka-gargaarka-ee-ubax-foundation-oo-gargaar-kala-duwan-gaarsiiyay-dadka-ay-saameeyeen-abaraha-video-sawirro/ […]

Comments are closed

Archives

taaj