| | 663 views

Xasan Dahir Aweys oo war culus ka soo saaray ururka Al-Saaciduuna Bil Xaq iyo firqooyinka Soomaaliya

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ururka Al-Saaciduuna Bil-Xaq iyo taariikhda firqooyinka Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in kooxdaan cusub aanay sax ahayn in laga qaato diin iyo afkaaraha ay aaminsan yihiin.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu isagu horay uga tirsanaa kooxdaan, balse ay ku kala tageen fikrado diimeed, wuxuuna ku eedeeyay in kooxdaani aaminsan tahay wixii iyaga ka soo hara inay gaalo yihiin.

“In Diin laga qaato nimankaan sax ma ahan” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo sheegay in kooxdaani aanay jirin meel ay dadka ku baraan diinta Islaamka, isagoona sheegay inaysan meelna ku fiicneyn kooxdaan Al-Saaciduuna Bil-Xaq la baxday.

Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in kooxdaan aan la takoorin, balse ay tahay in lala doodo, isagoona sheegay inuusan isagu qabin in dagaal lagala hor yimaado ilaa iyo inta ay iyagu dagaal ka keenaan.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=1373

Posted by on Apr 28 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “Xasan Dahir Aweys oo war culus ka soo saaray ururka Al-Saaciduuna Bil Xaq iyo firqooyinka Soomaaliya”

  1. … [Trackback]

    […] There you will find 43817 more Infos: somaliweyn.org/2017/04/28/xasan-dahir-aweys-oo-war-culus-ka-soo-saaray-ururka-al-saaciduuna-bil-xaq-iyo-firqooyinka-soomaaliya-video/ […]

  2. … [Trackback]

    […] There you will find 64250 more Infos: somaliweyn.org/2017/04/28/xasan-dahir-aweys-oo-war-culus-ka-soo-saaray-ururka-al-saaciduuna-bil-xaq-iyo-firqooyinka-soomaaliya-video/ […]

Comments are closed

Archives

taaj