| | 624 views

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay qorsheyaalka cusub ee xukuumadiisu ku howlgaleyso

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday qorsheyaal cusub oo ay ku dhaqaaqeyso xukuumadiisa, kaasi oo saameyn ku yeelanaya arrimaha ammaanka caasimadda, kontrolka dhaqdhaqaaqyada Muqdisho iyo degaanada ku dhow dhow iyo qodobo kale.

Ra’iisal Wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho loo xilsaarayo ciidamo gaar ah, isla markaana hubka magaalada lala dhex wareegayo la xadidayo.

“Waxa ka duwan howlihii hore waa in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan amniga magaalada” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo sheegay in xukuumadiisu ay ku shaqeyneyso isla xisaabtan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ka dowlad ahaan aanay iyagu ka adkaan karin Al-Shabaab, balse waxa uu sheegay in haddii shacabka iyo dowladda ay iskaashadaan laga adkaanayo ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay inuu dhammaaday wakhtigii shacabka Soomaaliyeed been beenta lagu leyn jiray, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan la kaashanayaan hay’adaha ku howlan arrimaha argagixisada caalamiga ah.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=1274

Posted by on Apr 27 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Comments for “Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay qorsheyaalka cusub ee xukuumadiisu ku howlgaleyso”

  1. … [Trackback]

    […] Informations on that Topic: somaliweyn.org/2017/04/27/raiisal-wasaaraha-soomaaliya-oo-ku-dhawaaqay-qorsheyaalka-cusub-ee-xukuumadiisu-ku-howlgaleyso-video/ […]

  2. … [Trackback]

    […] Informations on that Topic: somaliweyn.org/2017/04/27/raiisal-wasaaraha-soomaaliya-oo-ku-dhawaaqay-qorsheyaalka-cusub-ee-xukuumadiisu-ku-howlgaleyso-video/ […]

  3. … [Trackback]

    […] Read More: somaliweyn.org/2017/04/27/raiisal-wasaaraha-soomaaliya-oo-ku-dhawaaqay-qorsheyaalka-cusub-ee-xukuumadiisu-ku-howlgaleyso-video/ […]

Comments are closed

taaj