| | 514 views

Guddoomiye Taabid oo ballanqaad aan horay loo arag u sameeyay shaqaalaha Dowladda Hoose

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horeysay khudbad dhinacyo kala duwan leh waxa uu u jeediyay shaqaalaha Dowladda Hoose, isagoona si gaar ah uga hadlay xuquuqda ay leeyihiin iyo xuquuqda iyaga lagu leeyahay.

“Maanta waxaan ballanqaadayaa in qofka ugu hooseeya iyo qofka ugu horeeya uu helo cadaalad” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in dhammaan shaqaalaha maamulkiisa oo uu isagu ku jiro ay waajib ku tahay inay fuliyaan xuquuqda lagu leeyahay.

 

Waxaa kale oo Guddoomiye Taabid sheegay in dalka uu ku jiro xaalad abaaro, isagoona u ballanqaaday shaqaalaha Dowladda inay toddobaadkaan gudihiisa helayaan mushaaraadkooda si siman.

Khudbadda Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku soo beegantay xilli xasaasi ah, isagoona ku booriyay dhammaanba shaqaalaha dowladda Hoose inay laba jibaaraan howlahooda, wuxuuna sheegay in dowladda ay tahay mid uu shacabka leeyahay.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=931

Posted by on Apr 23 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Guddoomiye Taabid oo ballanqaad aan horay loo arag u sameeyay shaqaalaha Dowladda Hoose”

  1. … [Trackback]

    […] Informations on that Topic: somaliweyn.org/2017/04/23/guddoomiye-taabid-oo-ballanqaad-aan-horay-loo-arag-u-sameeyay-shaqaalaha-dowladda-hoose/ […]

Comments are closed

taaj