| | 687 views

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Taabid oo ka qeyb galay goob lagu bixinayay deeqdii ugu badneyd + Video

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu bixinayay deeqdii ugu badneyd ee gargaar ah loogunatalo galay qoysaska barakacayaasha ah ee ay saameysay abaarta dalka ku dhufatay.

Deeqdaan gargaarka ah oo isugu jirta Bariis, Bur, Saliid, Caano iyo Timir ayaa ka timid boqorka Dowladda Imaaraadka Carabta iadoo u soo wakiilatay ururka bisha cas ee Soomaaliyeed ayaa waxaa la guddoonsiiyay barakacayaal ku sugan degmada Dayniile.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka mahad celiyay deeqdaasi raashinka ah oo ay sheegeen inay ku soo beegantay xilli ay dalka ka jiraan abaaro galaaftay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada dalka.

Dhinaca kale ammaanka xarunta degmada Dayniile oo lagu bixinayay raashinka gargaarka ah ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka tirsan Dowladda ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo halka lagu bixinayay deeqdaasi oo si nabad ah lagu guddoonsiiyay qoysaskii loogu talo galay.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=809

Posted by on Apr 21 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Taabid oo ka qeyb galay goob lagu bixinayay deeqdii ugu badneyd + Video”

  1. … [Trackback]

    […] Informations on that Topic: somaliweyn.org/2017/04/21/raiisal-wasaare-kheyre-iyo-guddoomiye-taabid-oo-ka-qeyb-galay-goob-lagu-bixinayay-deeqdii-ugu-badneyd-video/ […]

  2. … [Trackback]

    […] Read More Infos here: somaliweyn.org/2017/04/21/raiisal-wasaare-kheyre-iyo-guddoomiye-taabid-oo-ka-qeyb-galay-goob-lagu-bixinayay-deeqdii-ugu-badneyd-video/ […]

Comments are closed

Archives

taaj