Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 644 views

Madaxweynihi hore ayaa KUN {1000} jeer ka ilbaxsan Ra’iisul wasaaraha iminka joogo.

Ilbaxnimo, xeelad iyo waayo aragnimo ayaa la isku dhaafey, taageerayaal daacad u ah ayay madax walba leedahay, kumaanaan dad ah ayaa isugu soo baxa soo dhaweynta hogaamiyaashooda, si isku mid ah looma jecla masuulyiinta Soomaaliyeed, si aan la qiyaasi Karin ayaa madaxda qaarkood loo xiiseeyaa.

Madaxweynihi hore ayaa KUN {1000} jeer ka ilbaxsan Ra’iisul wasaaraha iminka joogo.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa la rumeysan yahay inuu saaxiib dhaw la ahaa bulshadiisa, goobaha uu booqanayo waxaa isugu imaan jirey kumanaan shacbi ah, kuwaasi oo u hamuun qabey aragtidiisa, dhoola cadeyntiisa iyo hadaladiisa, mar uu booqanayay xeebta Liido waxa uu kula kulmay kumanaan dad ah oo ku faraxsanaa mar uun inay Madaxweynahaasi fagaare ku arkaan.

Sannad iyo dhawr bilood kadib waxaa isla goobtaasi booqdey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, la yaab waxaa laheyd halkii uu istaagey Madaxweynihii hore inuu isna istaagey balse ma uusan helin taageerayaal la mid ah kuwii Xasan Sheikh u soo banaan baxey, soo dhaweyn la’aan iyo waji gabax ayuu goobtaasi kala kulmay, farsamo xumo ayaa lagu macneeyay inay arintaasi ka dhalatey.

Abaabul ayaa laga sii sameyn jirey goobaha uu booqanayo Xasan Sheikh, taageerayaal la sii diyaariyay ayuu u tagi jirey, ilbaxnimadii uu ku ku shaqeyn jirey Madaxweynihii hore ma laha Ra’iisul wasaare Kheyre, arintaasi waxaa cadeyn u ah markii uu doraad booqanayay Xeebta Liido kaligiis ayaa soo istaagey dabaqa laga daawado xeebtaasi ee Beach View, nasiib daro ma uusan helin tagaeerayaal halkaasi ku soo dhaweeya sida Xasan Sheikh horey halkaasi loogu marxabaysiiyay.

Kheyre waa Junior soo koraya, xeelad la’aan ayaa haysa, cashar waxa ugu filan guul daradii uu kala soo kulmay xeebta Liido oo uu ku cidloobay, dad ma wada sinaan karo, adduun waa isdaba maal, wanaaga iyo ilbaxnimada waa la isaga daydaa, sidaasi daraadeed Kheyre waxaa la gudboon inuu soo Copy-yeysto {minguuriyo} ilbaxnimada odaygii Dalkaan Madaxweynaha ka soo noqdey si aanu ceeb dambe ugu dhicin una helo taageerayaal badan.

C/Laahi Xasan Axmed Shiikhaalow

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=787

Posted by on Apr 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj