Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 560 views

MADAXWEYNE FARMAAJO ITOOBIYUU USOCDAAYE SIDEEY ULA DHAQMI DOONTAA?

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo safarkiisii ugu horeeyey, ee uu dalka uga boxo, sidii caadada uaheyd madaxdii kahoreeyseyba, ma aheyn Adis-Ababa, nasiibwanaagse! waxeey aheyd Xaramka.

Raysalwasaaraha qarankana mudane Kheeyre isaga wali dalkaba dibada ugama bixin illaa iyo maantadan, Raysalwasaare intaa aan dalka kabixin waxaan ka xasuustaa mudane RW Saacid.

Sida warar hoose sheegayaan Madaxweyne Farmaajo Itoobiya ayuu mardhow aadayaa. Su’aasha isweeydiint mudan ayaa waxeey tahay sidee ayey ula dhaqmi doontaa? Ma sidii caadada u aheyd Itoobiy ayey u bahdili doontaa, mise isbadalka dhacay ayey iyana isbadal ku qaabili doontaa? Yaa Garoonka ugu imaandoona, oo gagida diyaaradaha kasoo doonidoona? Marka lawada hadlayo ma labada calan ayaa gadaal laga wada dhigidoonaa labada mas’uul mise mid uun? Laba kursi oo siman ayaa loowada dhigidoonaa, mise mid oo kaliya ayaa loodhigidoonaa, kan kalana wafdigiisa ayaa lagu daridoonaa, si loomuujiyo in hal madax lala kulmayo, oo xaalku aanu aheyn madax kulmeeyso? Xitaa hadii qolka eey wada yaallaan labada calan, sawirada Madaxtooyada Itoobiya faafin doonto ma wuxuu noqondoonaa kuwo calanka Itoobiya ookaliya uu ka muuqdo sida caadaduba aheyd?

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo waa in uu kuqanciyo in laba wadanoo siman, kalamadax bannaan, is ixtiraamna kuwada shaqeeya la ahaado. Dhanka kalase qorshaha Itoobiya waa in eey ku qanciso in uu udhaqmo sidii madaxdii kahoreeysey Farmaajo, ee Itoobiya hoosgeeyey Soomaaliya. Yaa ku guuleeysandoona qorshahooda? Marka uu Madaxweyne Farmaajo kasoo laabto ma waxaa lasoo noqondoonto awoodii iyo faragalkii Itoobiyaanka hore ugu hayeen siyaasada dalka, mise wuxuu soo noqondoonaa nin Sharaf iyo karaamo, dadnimo damiir wadaniyadeed oo caafimaadqaba lasoo noqda? Wararka sheegaya in wafdiga kasii hormaraya uu hogaamindoon nin Soomaalida Itoobiya ah, oo dowlada Itoobiya usooshaqeeyeyse warjira manoqondoonaa mise?

Sida warar hoose sheegayaan hogaamiye Maamul-Beeleed ayaa kusoo hor ordey, oo safar degdeg ah, oo aan lasii shaacin, lagana hadal ugu amba baxay Itoobiya, sida laxuuraasadayna, wuxuu gulfis ugu jiraa, sidii uu usii kalafogeeyn lahaa dowlada Farmaajo iyo wadamada dariska, oo isku dirkooda ayuuba ugasii hormaray,isagoo geedgaaban iyo mid dheerba ufuulaya fashilinta dowladan dhalata, siduu game farsameeysan Farmaajo ula cayaaridoonaa horjoogahaa iyo sii kalafogeyn tiisaasba?

Waxaan kabaqayaa shirkii Imaaraadka uulasoo galay isbadalka kadambeeyey mid la mid ah in uu kasoo muuqdo marka uu Itoobiyaankana lasoo shiro! Alloow sahal amuuraha.

#FarmaajeeysanooKheeyreeysan.

Cabdiboqor

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=768

Posted by on Apr 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj