| | 383 views

Faah faahin Nin xaaskiisa ku dilay degaan ka tirsan degmada Jowhar

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Nin xaaskiisa oo Uur laheyd xalay ku dilay Tuulo hoostagta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Tuulada uu falkan ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Tugaarey taasi oo 20-KM ujirta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo arrintan ay aad uga naxeen dadka Degaanka.

Dadka Degaanka ayaa sheegay Toogashada ka hor in labadooda uu soo kala dhexgalay muran Afka ah, intaasi kadibna ay sababtay in Ninka uu adeegsado Qori uu sitay.

Wararka qaar ayaa sheegaya ninkan dilay xaaskiisa in maanta lagu wareejinayo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, si cadaalada loo horkeeno.

Guddoomiyaha Tuulada Tugaarey Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay dilkan, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaano.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=765

Posted by on Apr 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Archives

taaj