| | 92 views

Ururka Alshababa oo digniin u jeediyay iskuulada iyo jaamacadaha dalka

War ka soo baxay Alshababa ayaa lagu sheegey in Afhayeenkoodi  Guud ee Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) uu ku eedeeyay Jaamacadaha iyo Iskuulada kala duwan ee dalka Soomaaliya ku yaala in badankood ay faafinayaan dhaqamada reer Galbeedka.

Afhayeenka Alshabaab  ayaa sheegay in Hay’adaha anaajibta ah ay  doonayaan in maskaxda kala dagaalamaan ubadka soo korya, waxa uuna tilmaamay in hada ay wadaan dagaal dhinaca tacliinta ah si ay jiilka soo koraya u dhaqan rogaan.

Cali Dheere  ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan Iskuulada iyo Jaamacadaha ay caruurtooda geesanayaan, waxa uuna kula taliyay in caruurta ay geeyaan Iskuulada Islaamiga ah ay joogaan macalimiinta wanaagsan ee sida fiican u tar biyeenaya.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka kuyaala badankood dadka wax lagu baro Luqada Ingiriiska, waxa uuna tilmamaay in dagaal lagula jiro Luqada Carabiga lana jecleesiinayo ubadka soo korayada Luqadaha kale ee ajnabiga .

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale ku eedeeyay Jaamacadaha iyo Iskuulada Soomaaliya kuyaala qaarkood in ay sabab u yihiin in dhalinyaro badan ay tahriibaan , waxa uuna tilmaamay in dhalinyaradaasi jecleesiyeen Wadamada shisheeye iyo dhaqamada wadamadaasi.

Jaamacadaha iyo Iskuulada dalka ku yaala ayu uga digay waxaa uu ku sheegey faafinta dhaqamada ay jecel yihiin gaalada, waxa uuna ugu baaqay in ay ka haraan waxa uu ugu yeeray in ay garab siinta gaalada.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=733

Posted by on Apr 20 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Ururka Alshababa oo digniin u jeediyay iskuulada iyo jaamacadaha dalka”

  1. … [Trackback]

    […] Read More here: somaliweyn.org/2017/04/20/ururka-alshababa-oo-digniin-u-jeediyaay-iskuulada-iyo-jaamacadaha-dalka/ […]

Comments are closed

taaj