Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 24 views

Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka oo booqasho aan lasii shaacinin ku tagaya Muqdisho

Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Jim Mattis ayay maanta booqashadiisii ugu horreysay uga bilaabatay dalal ku yaalla bariga dhexe, iyo Geeska Afrika.

Dalalka illaa hadda la shaaciyey inuu booqanayo waxaa ka mid ah Sacuudiga, Masar, Qatar, Yuhuudda iyo dalal ku yaalla Geeska Afrika.

Safarka Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Jim Mattis waxa uu diiradda ku saari doonaa la-dagaalanka Kooxda Daacish, Istaraatijiyadda Dagaalka Syria,Yemen iyo hawlgalka AMISOM ee la dagaalanka Al-shabaab sida ay faafisay wakaalada wararka ee AP.

Jim Mattis oo ah Jeneral ka tirsana ciidanka Maraykanka oo hawlgab noqday ayaa booqan doona saldhigga Milliteri ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalka Djibouti, halkaasoo laga hago hawlgalladda Maraykanka ka fuliyaan dalalka Somalia iyo Yemen.

Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa milatariba ayaa sheegaya in Jim Mattis uu booqasho aan la sii shaacineyn ku iman tagi doono magaalada Muqdisho oo ay dhawaan soo gaareen ciidamo Maraykan ah.

Safarka Xogayaha ee Muqdisho ayaan si rasmi ah loo shaacinin sababo dhinaca Ammaanka, waxa uuna la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan iclaamiyey Dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Taliska Hawlgalka AMISOM.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu bishii na dhaaftay sheeegay in la ballaarinayo hawlgalada milateri ee ciidamada Maraykanku ka wadaan Somalia kuwaasoo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=700

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj