Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 64 views

KHEYRE: “Waxaan xooga saareynaa abuurista fursado waxsoosaarka kheyraadka Badda”

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wasiiro ka tirsa xukuumadiisa iyo saraakiil ayaa maanta booqday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, isagoona halkaasi kulamo kala duwan kula yeeshay bulshada iyo dhallinyaro ku xeebta.

Kulamo uu la qaatay dhallinyarada ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisa xeebta Liido oo uu sheegay inay tahay tan ugu dheer dalalka Afrika, sidaasi daraadeedna dowladiisu ay ka shaqeyneyso sidii loo horumarin lahaa.

“Waxaan xooga saareynaa abuuriska fursado waxsoosaarka Badda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay garbihiisa taagnaayeen Wasiirka amniga Ducaale iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Taabid Cabdi Maxamed.

Booqashada ra’iisal Wasaare Kheyre uu maanta ku tegay xeebta Liido oo ah markii ugu horeysay waxa uu socdaal ku tegay baaxadda ay ku fadhido xeebta Liido, wuxuuna sidoo kale ballanqaaday fursado kale oo lagu hagaajinayo dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=718

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Sawirro. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj