Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 35 views

Barlamaanka oo maanta Go’aan aan la fileyn kasoo saaray Mooshinka Saldhiga Berbera ee Imaaraadka

Kulankii ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa waxaa ay uga doodeen heshiiska ay dowladda Imaaraadka saldhig militeri uga sameysaneyso magaaladda Berbera.

Golaha shacabka ayaa ugu dambeyn soo saaray in xukuumadda laga doonayo iney Warbixin cad ka keento heshiiskii ay wada gareen Soomaliland iyo imaaraadka Carabta ee Saldhiga Berbera.

Kulanka ayay xildhibaanadu ku sheegeen in ay muhiim tahay in la qaado tilaabo walbe oo looga hortagaayo Saldhigga Imaaraadka Carabta hadii uu halis ku yahay umadda Soomaaliyeed qaranimadeeda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga sugaaya in ay jawaab cad ay ka geyso waxa ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa horay Mooshin uga diyaariyay Saldhiga Berbera, laakiin mooshinka ayaa dib loo dhigay maadaama warbixin laga sugayo xukumadda.

Warar xili hore la helay ayaa sheegayay in mooshinka saldhiga BER-BERA laga tala baxay sababo la xariira heshiis cusub oo ay galeen dowladda cusub iyo Imaaraadka.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=689

Posted by on Apr 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj