Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 19 views

DEGDEG: Rag hubeysan oo caawa magaalada Baladweyne ku dilay Nabadoon oday ah

Kooxo hubeysan ayaa caawa xaafada Howlwadaag Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen Nabadoon lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisow, sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka nabadoonka ay ka dambeeyeen rag ku hubeysan bastoolado, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday.

Allaha u naxariistee nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabelle.

Ciidanka ammaanka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay isku gadaameen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaano la xiriira dilkan iyo sidii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyay dilka nabadoonka.

Dhinaca kale dilalka noocaan ah iyo kuwa lala eegto ciidamada iyo saraakiisha Dowladda Al-Shabaab ayaa horey u sheegan jirtay.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=676

Posted by on Apr 18 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj