Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 70 views

SIR CULUS Qorshaha Imaaraadka ee Dekedaha Soomaaliya oo la kashifay

Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo si weyn uga faalooda Arimaha Soomaaliya horeyna usoo noqday musharax madaxweyne ayaa ka hadlay qorshaha 30­ka sano ee soo socda Imaaraatka Carabta uu ka leeyahay dekadaha Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in Imaaraatka uu yahay Cadow Soomaaliyeed oo uusan fulineyn qorshaha iyo horumarinta dalka Soomaaliya, sida uu sheegayna uu doonayo inuu hor istaago horumar ay sameeyaan dekedaha Soomaaliya.

Wuxuu si cad u sheegay in imaaraatka uu damacsan yahay in soddonka sano ee soo socdo wax horumar ah ineysan sameyn dekedaha Soomaaliya, maadaama haddii ay horumaraan dekadaha Soomaaliya caalamka uu dhan uu kusoo xirmayo.

“Imaaraatka waa cadow Soomaaliyeed, fiiri wuxuu doonayaa in soddonka sano ee soo socdo aysan horumarin dekadaha Soomaaliya, oo wuxuu doonayaa in 30­kaa sano Soomaalida isaga kaliya gacmaha u taagtaan shilimaadka yar ee laga helayo”.

“Haddii horumar Soomaaliya ay sameyso waxaa xirmayo Suuqa Dubai sababtoo ah meesha aanu ku naal iyo sida aan caalamka sida tooska ah ula macaamiili karno, marka Imaaraatka ma doonayo in suuqaasi uu ka xermaa, sidaasi daraadeed waa in horumar aysan sameyn Soomaaliya si DUbai aysan u xirmin” ayuu hadalkiisa ku daray Jaamac.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=585

Posted by on Apr 17 2017. Filed under lastest video, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj