Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 29 views

Gudoomiye Taabit oo booqashadiisii ugu horeysay ku tegay deg. Dayniile & xaflad ka socota + Sawirro

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay maanta degmad Dayniile ee magaalada Muqdisho tan iyo markii uu xilka la wareegay maalin ka hor.

Guddoomiye Taabit ayaa booqashadiisa waxaa ku weheliya Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Abukar Islow (Ducaale), saraakiil ciidan, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.

Wafdigan ayaa kormeeray xarumo ku yaalla degmadaas oo ay ka mid yihiin isbitaalka weyn ee dayniile, xarunta maamulka degmada, saldhiga Booliska iyo xaafado mid ah degmadaas.

Masuuliyiinta Maamulka degmada, waxgarad iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey degmada dayniile oo maanta amaankeeda si weyn loo xoojiyey jawigeedana uu ku bedelnaa sidii hore.

Xaflad soo dhoweyn ah oo loogu talo galay wafdigan ayaa xiligan ka socota hotelka Tropical Village oo ah hotel caalami ah oo ku yaalla degmadaas, waxaana xafladaas ka qeyb qaadanaya koox fanaaniin ah oo ay ka mid yiiin Nimcaan Hilaac Khadar Keyow iyo qaar kale. iyadoo khudbado laga jeedin doono.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=610

Posted by on Apr 17 2017. Filed under Sawirro. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

taaj