Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 24 views

Idil Cabdullaahi Farmaajo oo ka Jawaabtey hadalo ay ka faafiyeen Dahir Calasow Iyo Dabcasar

Idil Cabdulaahi Farmaajo oo la dhalatay Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xiirir la soo sameysay Warbaahinta Xoghoose.com ayaa shaaca ka qaaday inaysan iyadu wax xiriir ama telefoon ah aysan la yeelan Daahir Abdulle Alasow Iyo Abdiraxmaan Dabcasar.

Idil Cabdullaahi Farmaajo oo degan Wadanka Canadda waxay Warbaahinta u sheegtay inaysan Mucaarad ku ahayn dawladda Soomaaliyeed iyo qoyskooda midkoodna,waxaana ay sheegtey inuusan maanta Madaxweynaha Soomaaliya uusan ahayn nin qabiil iyo nin Qoys balse ay doorteen shacabka Soomaaliyeed,waxaana ay sheegtey in wax kaliya ee ka dhexeya uu yahay Abtirsiiyinyadda iyo Walaltinimada balse ay ula mid tahay shacabka soomaaliyeed uu madaxda u yahay.

Waxaana hadaladdeeda ka mid ahaa :” Caqliga Caafimaadka qabaa ima siinayo inaan Aflagaadeeyo Dumaashiday oo ah dhal Culimo,mana Awoodo inaan ku tilmaamo wax ka baxsan diinta islaamka, Dumaashiday Saynab waa shaqsi dhal culimo ah mana noqon karto waxa la faafiyey aniguna ma dhici karto dumaashiday inaan aflagaado noocaas ah hawadda u mariyo”.

Waxaa kale oo ay raacisay:” Sidoo kale waxaa la aflagaadeeyey Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo ah nin masuul ah oo Wadanka Canada aanu wada degeyneyn reerkiisna aan isku wacanahay ehel iyo tolna nahay, ma jirto waligiis dhib uu ii geystey iyo lacago uu iga dhacay,waana been abuur aad u weyn oo wax loogu dhimayo wasiirka iyo qoyskiisa”.

Sidoo kale waxay tiri:” Naagtan Marna Calasow Wareysanayo marna Dabcasar soo wacaysa waa naagaha tuugadda ah ee Daahir Calasow lacagta siiyo isla markaasna uu ka dhigo marba cidda uu doonayo inuu Aflagaadeeyo,kuwaasna waxaan filayaa haddi ay run sheegayaan inay soo bandhigaan Film muuqaal,waxkasta waxaa looga qancaa Muuqaalka,waxaana leeyahay Dumarkaas danuubta iyo dambiga loo xambaarinayo ee risiqa yar loo tuurayo sharaftiina iyo karaamadiina yey ku cayaarin Dabcasar oo isagu aan lagu tilmaami karin shaqsi miyir qaba, Daahirna calasowna isaga risiqiisa iyo wuxuu quuto baa noqday xaaraan”.

Mar ay ka hadlaysay Qoyskooda waxay tiri:” Waxaa cadeyn ah in qofkan la wareystey ee Aniga laygu tilmaamay aysan aqoon hooyaday iyo cidda ay tahay, Waxaana qofkaasi ahaa shaqsi aan aqoon u lahayn qoyskayaga iyo walaalahay,xataa ma garan karaan walalahay meesha ay ku sugan yihiin,Beentu ma sii socoto mana sii waarto balse dambi baa ka hara,waana la ogaan meesha ay ku dambeeyaan Dabcasar iyo Daahir Alasow oo noqday shaqsiyad dheeri ku ah shacabka soomaaliyeed. Dhinaca kale waxaa jiray koox been abuur facebook ah sameystey isla markaasna sawirkeyga saartey,kuwaasi oo aflaagaado ka dhan Qoyksa Madaxweynaha iyo Wasiir Xoosh lagu aflagaadeeyey balse markiiba waa ku guuleystey inaan dacweeyo oo xiro”.

Ugu dambeyntii waxaa Idil Cabdulaahi Farmaajo daboolka ka qaaday inay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleyso sidii ay maxkamad u soo taagi lahayd labada shaqsi,waxaana sheegtey inay qaadi doonto talaabo kasta oo ay shacabka soomaaliyeed iyo wadamada ay ku nool yihiin ku horkeeni lahayd Dabcasar iyo Alasow, waxaana sidoo kale ay sheegtey in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ka  codsatay inay dawladooda tageeraan.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=473

Posted by on Apr 14 2017. Filed under Haweenka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

taaj