Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 21 views

Wasiirka gargaarka maryan qaasim oo ka cabaneysa fal ay kula kaceen ciidamada Amisom

Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka drs maryan qaasim ayaa barteeda twitterka waxa ay ku daabacday in ciidamada amisom ee ku sugan garoonka diyaaraddaha aadan cadde ay is hortaag ku sameeyeen xili ay dooneysay in garoonka ay gudaha u gasho.

Maryan qaasi waxa ay sheegtay in ay ku socotay halka loo yaqaan madiina Gate taasina ay tahay mid aan marnaba la aqbali karin.

Wararka waxa ay sheegayan in wasiir maryan iyo wafdi la socday ay la balansanaayeen madax ka tirsan midowga ee soomalia garoonka aadan cadde ay kula kulmi lahaayeen balse ciidanka amisom ay u sheegen in aan lagu soo wargalin imaatinkooda sidaas darteedna aysan u fasixi karin ay gudaha u gasho madina gate.

Wasiirka qoraalka ay soo dhigtay barteeda twitterka halkaan ka aqriso.

“We are working under difficult circumstances in Somalia but there is no excuse 4behaviour I saw today from condescending behaviour from AmisomSoldiers towards me &  my female staff today at MIA Medina Gate is unacceptable”

” Waxaan ku shaqeeyaan xaalad adag oo dalka soomalia ka jirta balse wax cudur daar ah malahan falka ay ciidamada amisom ee ku sugan madina gate ay aniga iyo gabar ila socotay nagula dhaqmeen marka ay ciidanka amisom u diideen in ay galaan Al-baabka loo yaqaan MIA Madino gate”.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=397

Posted by on Apr 12 2017. Filed under Haweenka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

taaj