Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 29 views

Wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Qaraxyadii lala beegsaday Baska Kooxda K/Cagta Borussia Dortmund

Waxaa la soo sheegayaa in 3-qarax lala beegsaday Baskii waday kooxda kubadda cagta ee Borussia Dortmund, taasoo ciyaar ka tirsan rubuc dhammaadka horyaallada Yurub ku martigelin lahayd kooxda Monaco ee ka socota dalka Faransa.
Madaxa Booliska ee degmada Dortmund ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay kooxda, iyadoo Baska qaraxyada lala beegsaday xilli uu ciyaartooyda u waday garoonka.

Ciyaaaryahan Marc Bartra oo daafaca uga ciyaara Dortmund ayaa wuxuu dhaawac ka soo gaaray gacanta, isagoo qalliin looga sameeyay, mana jiraan ciyaartooy kale oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi xalay dhacay.

Dacwad oogaha gobolkaasi ayaa sheegay in warqad laga helay meel u dhaw goobta ay weerarrada ka dhaceen, isla markaana ay baaritaan ku hayaan, iyadoo ciyaarta labada koox la baajiyay xalay, waxaana la dheeli doonaa caawa 7:45 fiidnimo SGA.
Ugu dambayntii Taageerayaasha ku sugnaa garoonka Signal Iduna Park ayaa loo sheegay inay halkaa baaqi ku ahaadaan tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaankooda, kadibna waa laga daadgureeyay, waxaana baraha bulshada lagu soo bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin inay jiif siiyaan taageerayaasha Monaco ee u baahan meel ay seexdaan.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=366

Posted by on Apr 12 2017. Filed under Sports. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

taaj