Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 29 views

Saddex ka mid ah xubnihii Hargeysa uga dhawaaqay urur diimeed cusub oo xabsiga la dhigay

Howlgal socday muddo ka badan 48-saac oo ciidamada Booliska Somaliland ka fuliyeen magaalada Hargeysa ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo lagu soo qabtay saddex ka mid ah wadaadado dhowaan ku dhawaaqay urur diimeed cusub.

Taliyaha Booliska Somaliland S/Gaas Cabdullaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saddex xubnood oo ka tirsan urur diimeed cusub lana magac baxay Alsaaciduun Bil Xaq oo micnaheedu yahay “Taageerayaasha xaqa”.

Waxa uu sheegay Taliye Fadal in raggaasi la soo taagayo maxkamad isla markaana lagu fulinayo qodobadii uga degsan ku dhawaaqista urur diimeedkaasi cusub oo uu sheegay iuu khatar ku yahay ammaanka guud ahaan degaanada Somaliland.

Dhinaca kale xariga wadaadada ka tirsan urur diimeedkaan cusub oo fadhigiisu yahay dalka Masar ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay culimada Soomaaliya ay Muqdisho ka soo saareen urur diimeedka Alsaaciduun Bil Xaq, iyagoona sheegay inuu yahay urur xagjir ah oo aaminsan wixii iyaga ka soo hara inay gaalo yihiin.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=370

Posted by on Apr 12 2017. Filed under lastest video. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

taaj