| | 133 views

Ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Sweden oo maxkamad la soo taagay + Sawirro

Rakhmat Akilov oo 39 sano jir ah kana soo jeeda wadanka  Uzbekistan ayaa ka hor qirtey maxkamad la soo taagay maanta inuu ka dambeeyay weerarkii gaariga weyn loo isticmaalay ee ka dhacay caasimada dalka Sweden ayna ku dhinteen afar ruux 15 kalana ku dhaawacmeen.

Maxkamada ayaa amartay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo falka uu ka dambeeyay weerearkan, waxaana la amray in lagu hayo goob si weyn loo ilaaliyo inta ay baaristu socoto.

Wargeyka Aftonbladet ee dalka Sweden ka soo baxa ayaa daabacay in ninkan uu u sheegay ciidamada Booliska inuu yahay Muslim taageera ururka IS weerarka uu geystayna uu si toos ah ugaga yimid ururka IS.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in ninkan loo haysto weerarkii ka dhacay Stockholm toddobaadkii hore uu ahaa mid loogu aargudayo weerarada duqeynta ah ee lagu hayo xarumaha ururka IS ay ku leedahay dalka Siiriya.

Akilov ayaa ka dalbaday maxkamada in qareenka ay dowlada u qabatay loogu bedelo qareen Sunni Muslim ah.

Sharciga u yaal wadanka Sweden ayaa qofka loo haysto inuu dil geystay waxaa la marsiiyaa baaritaan caafimadee xagga dhimirka ah iyadoo dhakhtar ku taqasusay cudurada dhimirka ku dhaca uu baaritaan ku sameeyo.

Falka ka dhacay toddobaadkii hore ee gaariga weyn loo adeegsaday weerar ay ku dhinteen afar ruux 15 kalana ku dhaawacmeen ayaa waxaa hore ay ugaga dhaceen wadamada Ingisiirka,Jarmalka iyo Faransiiska.

Optimized by JPEGmini 3.11.5.0 0x0bbf4cad

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=332

Posted by on Apr 11 2017. Filed under caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Sweden oo maxkamad la soo taagay + Sawirro”

  1. Thanks for finally talking about > blog_title < Loved it!|

  2. It’s an remarkable post in favor of all the online viewers; they will obtain advantage from it I am sure.|

  3. I enjoy, cause I discovered exactly what I was taking a look for.
    You have ended my four day lengthy hunt! God Bless you man.
    Have a nice day. Bye

  4. Always a major fan of linking to bloggers that I appreciate but really don’t get a whole lot of link enjoy from.

  5. Hi there, You have done a fantastic job. I’ll certainly digg it and in my view suggest to my friends.

    I am sure they will be benefited from this site.

    Also visit my blog … foot pain after surgery

Leave a Reply

Archives

taaj