| | 85 views

Masuulka loo magacaabay maamulka Muqdisho ma yahay midkii mudnaa mise waa lagu fududaadey?

Saf balaaran oo isbadal ah ayaa dhacey, rag badan ayaa daaqada laga saarey, looma Aabbe yeelin mid wax qabtey, si isla eg oo siman ayaa loo ceyriyay ma-noogihii waxtarka badnaa iyo hurda weynihii wax matara ahaa, wajiyo aan cusbeyn oo qaarkood horey looga soo caajisay ayaa badan ahaan ku soo baxay isbadalka lagu dhaqaaqay.

Xilka ugu hadal haynta badan waxaa helay Qurbe jooge la yiraahdo Md. Taabit Cabdi Maxamed oo nasiibkiisa u ogolaadey in loo magacaabo Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, xaalad kala kaan ah oo isugu jirta soo dhaweyn iyo diidmo ayuu masuulkaan kala kulmay bulshada Soomaaliyeed.

Taageerayaasha la dhacsan Gudoomiyaha la magaacabay ayaa aaminsan in Duqa da’da yar uu wax badan ku soo kordhin doono maamulka Magaalada Muqdisho, fekerkaasi waxaa mid ka duwan rumeysan xooggaga dhaliilsan magacaabistiisa kuwaasi oo ku doodaya in magacaabista Duqa cusub lagu fududaadey {deg-degay}.
Liis dheer oo ay ku qornaayeen musharxiin fara badan oo u taagnaa qabashada xilka Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa Taabit laga soo dhex doortey, ruug cadayaal ka mudnaa iyo qaar uu isagu ka muhiimsanaa ayaa baadi goob ugu jirey hanashada jagadaasi.

Saaxiibtinimada uu la lahaa Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha cusub u sahashey in loo ikmado qabashada xilka ugu sareeya ee caasimadda Soomaaliya, Haddaba waxaa is weydiin mudan Taabit ma yahay masuulkii ugu mudnaa ee loo magcaabo maamulka G/Banaadir mise waa lagu fududaadey?
WQ: C/;aahi Xasan Axmad Shiikhaalow

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=165

Posted by on Apr 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Masuulka loo magacaabay maamulka Muqdisho ma yahay midkii mudnaa mise waa lagu fududaadey?”

  1. I see you don’t monetize your page. You can make extra
    income, your niche is good for one method, just search in google – reselling online by Riggso

  2. It’s really a nice and useful piece of information. I’m happy that you shared this useful information with us.
    Please keep us informed like this. Thanks for sharing.

  3. I pay a quick visit day-to-day some blogs and sites to read articles,
    but this weblog provides feature based posts.

  4. I’d like to find out more? I’d want to find out more details.

  5. akhirnya ada yang post juga artikel ini… terima kasih gan..

  6. We’re a group of volunteers and opening a new scheme in our community.
    Your website offered us with valuable information to work on. You have done an impressive job and our entire community will be grateful to you.

Leave a Reply

Archives

taaj