Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 12 views

Guddoomiye Jawaari oo la guddoonsiiyay billad markii ugu horeysay Soomaaliya laga bixiyay (Dhageyso)

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gen. Kaahiye maanta waxaa ka dhacday Munaasabad Billad sharafeed lagu gudoonsiinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre, Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowlada iyo marti sharaf kale.

Billadan la gudoonsiiyay Guddoomiye (Jawaari) ayaa waxa ay ka timid Dowladda Talyaaniga, waxaana Bildan Darajadeeda ay tahay “Commendator”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa Billadan waxa uu ku muteystay shaqo wanaag, karti iyo xil gudasho, sida uu goobta ka sheegay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay sababta ay u bixinayaan Billad sharaftan in ay tahay in Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu ka shaqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga sidii uu u soo laaban lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay Dowladda Talyaaniga, isaga oo sheegay Guddoomiye (Jawaari) in uu mudan yahay awaalmarintan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay Munaasabadan in ay leedahay Qadarin gaar ah oo Taariikhda Soomaaliya u soo deristay.

 

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=180

Posted by on Apr 9 2017. Filed under Dhageysi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

taaj