Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 9 views

Dhageyso: “Caalim oo shaaciyay in MD Farmaajo uu qaaday Tilaabadii Ugu weyneyd ee Musuq-maasuq ah…”

Iyadoo maalintii Shalay M/weynaha Soomaaliya uu Xilka ka qaaday Mas’uuliyiintii ugu badnaa ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia iyo Siyaasiyiin si dhow ula socda Siyaasada dalka.

Aqoon-yahan Maxamed Caalim oo ka mid ah Siyaasiyiinta Falanqeeya Arimaha Somalia ayaa shaaca ka qaaday in uu M/weyne Farmaajo xilalka ku safay saaxiibadiis iyo rag isaga u dhaw tilaabadaasi uu ku tilmaamay musuq-maasuq bilaw ah iyo rajadii dowlada laga qabay oo mugdi gashay.

Caalim ayaa sheegay in M/weyne Farmaajo uu Xilalka laamaha Amaanka u magacaabay shaqsiyaad aan qibrad u laheyn sida Wasiirka Amniga iyo Taliyaha NISA isagoo tilaabadaasi ku macneeyay mid sabab u noqon doonta in Afarta sano ee soo socota dalka uu xaalad dib udhac ah kusii jiro.

Sidoo kale Aqoon-yahankaan oo la hadlayay Warbaahinta Gudaha ayaa caddeeyay in kooxda Al shabaab aan looga adkaan karin 60-maalin balse dalalka dariska, Ganacsato Soomaali ah iyo Siyaasiyiin ay la safan yihiin kooxdaasi al shabaab, waxaana adag buu yiri in si sahlan oo baabi’iyo.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=59

Posted by on Apr 7 2017. Filed under Dhageysi, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

taaj